Sida Ay Noqon Karto Shaxda Man United Hadii Uu Ole Gunnar Solskjaer La Soo Saxiixdo Xiddigaha Uu Bruno Fernandes Doonayo.

Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in Manchester United ay sameyso labo saxiix oo cusub suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal ayaa aaminsan in labadan xiddig ay Red Devils heer kale gaarsiin doonaan iyagoo isku diyaarinaya inay u tartamaan hanashada Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhisay koox xoogan labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, iyadoo United ay ku socoto wadadii ay ku dhameysan laheyd kaalinta labaad ee Premier League iyo waliba ku guulaysiga Europa Leageu.

Laakiin had iyo jeer waxaa jira meelo laga xoojin karo kooxda Solskjaer-na waxa uu si cad u sheegay in uu doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa.

Labada xiddig ee ugu cad-cad ee ay Man United la soo saxiixan karto ayaa ah daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Kounde iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice iyada oo labada xiddig doonayaan in ay yimaadaan Old Trafford.

Hadaba wargayska Daily Sport ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda Man United hadii uu Solskjaer dhamaystiro saxiixyada uu Bruno Fernandes doonayo.

Man United: Hendrson; Shaw, Maguire, Kounde, Wan-Bissaka; Rice, Pogba, Fernandes, Rashford, Greenwood, Cavani.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE