Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Ku Guulaysiga Man City Ee Horyaalka Premeir League.

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay Man United guuldaro kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Man City ayaa ku guulaystay horyaalka iyaga oo aan wax kubad ah laadin waxana ay dib u soo ceshadeen horyaalka oo ay Liverpool ka qaaday xilli ciyaareedkii hore.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay ku guulaysiga Man City ee premier League

1.Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League markii 5-aad tan ilaa markii magaca laga badalay kaliya kooxda Man United oo ku guulaystay 13 ayaa ka badan taariikhda tartanka casriga ah.

2.Guud ahaan kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka markii 7-aad ee taariikhdooda iyaga oo haatan la bar-baro ah Aston Villa kana dambeeya kaliya kooxaha Man United (20) Liverpool (19), Arsenal (13) Iyo Everton (9).

3.Kooxda Man City ayaa ah kooxdii 3-aad ee ku guulaysata horyaalka premier League inkasta oo ay 8 dhibcood ka dambeeyeen kooxda hogaaminaysa horyaalka markii la joogay wakhtigii ciida Gaalada kadib Man United iyo Aston Villa.

4.Man City ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee taariikhda premier League ku guulaysata horyaalka inkasta oo ay kaalinta 8 ku jireen kala saraynta wakhtigii ciidada gaalada iyo midii ugu horaysay tan ilaa Liverpool oo sidaas samaysay sanadkii 1981/1982 markaas oo horyaalka lagu magacaabi jiray heerka sare ee England.

5.Pep Guardiola ayaa ku guulaystay premier League 3 jeer 5-tiisii sano ee uu hogaaminayay Man City waana tababarihii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay tan ilaa Kenny Dalglish oo sidaa sameeyay (1985-86, 1987-88 & 1989-90).

6.Pep Guardiola ayaa haatan ku guulaystay 9 ka mid ah 12-kii sano ee uu tababaraha ahaa isaga oo min 3 jeer kula guulaystay Barcelona, Bayern Munich iyo Man City.

7.Garoonka Man United ee Old Trafford ayaa ah garoona ugu badan ee lagu go’aamiyay horyaalka premier League iyada oo 6 jeer lagu go’aamiyay 3 jeer waxa ku guulaystay Man United halka 3-da jeer ee kale hal mar Arsenal iyo 2 jeer oo Man City ah.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE