Arsenal Oo Garaacday Chelsea Xilli Gunners Dib U Soo Noolaysay Rajadooda Boosaska Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada koxoood si fiican u ciyaareen laguna kala baxay khalad kaliya oo go’aamiyay kulanka London Derby oo ay laabda kooxoodba si aad ah u doonayeen in ay badiyaan.

Chelsea ayaa ahayd kooxda inta badan weerarka qaadaysay xilli ay Arsenal adeesanaysay weeraro rogaal celis ah waliba dhanka kale difaac ku jirtay.

Daqiiqadii 16-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad kadib markii ay ka faa’iidaysteen khalad uu galay xiddiga Jorginho iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Emile Smith Rowe kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii goolkaas ka dambeeyay labada kooxood ayaa isku diyaariyay sidii ay ugu dagaalami lahaayeen laba u jeedo iyada oo Chelsea raadinaysay bar-baraha halka Arsenal difaacanaysay goolka.

Chelsea ayaa dhanka kubad haysashada kaga fiicnayd Arsenal kuwaas oo aan inta badan haysan kubada maadama ay ciyaarayeen weeraro orod ah oo ay chelea ku halis galinayeen kooxda chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ahayd kooxda hogaaminaysay ciyaarta laakiin chelsea ahayd kooxda fiican dhanka qaab ciyaareedka.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay chelsea ahayd kooxda cadaadiska badan saartay Arsenal iyaga oo uu ka go’naa in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Laakiin Arsenal ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo chelsea u diiday in ay sameeyaan fursado badan oo ay ku dhaliyaan gool.

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadii 61-aad dhalisay gool iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisc laakiin goolkaas ayaa la diiday Sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigu.

Chelea ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Arsena ayaa kala hor tagtay difaac aan inaba caadi ahayn.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal garaacday Chelsea iyada oo Gunners dib u soo noolaysay rajadooda u soo bixista Europa league xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE