Arsenal Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Weeraryahan Halis Ah.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso u dhaqaaqista xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Moussa Dembele sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay samayso xoojin marka la gaadho suuqa xagaaga waxana uu booska weerarku ka mid yahay boosaska uu Mikel Arteta doonayo in uu ka xoojiyo kooxdiisa suuqa xagaaga.

Arteta ayaa xiddiga Moussa Dembele u arka mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe xilli uu doonayo in uu dhiso koox u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer France ee Moussa Dembele ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Atletico Madrid isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Diogo Someone xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in ay Atletico Madrid iska iibiso xiddiga xagaaga.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in uu Arteta doonayo in uu Dembele ka dhigo saxiixyadiisa cusub ee xilli ciyaareedka dambe xilli uu isku diyaarinayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa.


Source: laacibfm

SHARE