Arsenal Oo Wadaadalo La Furay Xiddig Premier League Wacdaro Ka Dhigaya.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la yeelatay daafaca bidix ee kooxda Southampton Ryan Bertrand ka hor inta uusan xagaagan la wareegin.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa ku fashilmay in uu heshiis cusub la gaadho kooxda Southampton waxana uu qaab xor ah uga tagi karaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Goal, Gunners ayaa haatan wadahadalo kula jirta wakiilada Bertrand si ay isugu dayaan una keenaan Emirates daafacii hore ee Chelsea.

Arsenal ayaa isha ku heysa inay xoojiso kooxdeeda xagaagan waxayna u aragtaa Bertrand inuu noqon karo xiddig booska daafaca Bidix kula tartami kara Kieran Tierney.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Bertrand, oo 19 kulan u saftay England, ayaa sidoo kale 244 kulan u saftay Southampton tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda 2015.


Source: laacibfm

SHARE