Chelsea Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Thomas Tuchel, Imisa Sano Ayay Diyaar Ula Yihiin?

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigi doono Heshiis cusub oo seddex sano ah dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Kadib markii loo keenay bedelka Frank Lampard bishii January Thomas Tuchel ayaa chelsea ku hogaamiyay 17 gool 25 kulan oo uu hogaamiyay kooxda isaga oo kaliya la kulmay 2 guuldaro.

Tababaraha ayaa sidoo kale kooxda ku hogaamiyay final-ka champions league iyo FA Cup-ka halka uu sidoo kale ku dhawyahay in uu kooxdiisa u xaqiijiyo booska champions league xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Roman Abramovich ayaa haatan doonaya inuu kordhiyo heshiiska tababaraha oo markii hore aaa muddo 18 bilood ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu tababaraha 47 jirka ah diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub kadib markii uu shaqo fiican ka qabtay kooxda xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE