Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Neymar Oo Kashifay Xiddig Uu Doonayo In Uu Kaga Garab Ciyaaro PSG

Xiddiga Neymar ayayna la yaab ku ahayn in uu badalo fikiradihiisa waxana uu xiddiga reer Brazil haatan u muuqdaa in uu mar kale sidaas sameeyay.

Kadib markii uu wakhti ku qaatay kooxda PSG Waliba mar walba sheegay in uu doonayo in uu ka garab ciyaaro Lionel Messi mar kale haatan Nemar ayaa doonaya in uu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo.

Mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Juventus ayuu shaki ku jiraa waxana uu isaga tagi karaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waxaan doonayaa inaan ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo,” ayuu Neymar u sheegay GQ France.

“Waxa aan haatanba ka garab ciyaaray xiddigo waaweyn sida Messi iyo Mbappe laakiin wali kama soo garab ciyaarin Cristiano Ronaldo”


Source: laacibfm

SHARE