Frenkie de Jong Oo Ka Maqnaan Doona Kooxdiisa Barcelona Kulanka Celta Vigo, Sabab.

Frenkie de Jong ayaa seegi doona kulanka soo socda ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Celta Vigo kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou kana tirsan horyaalka La Liga.

De Jong ayaa qaatay kaadhka digniinta ah kulankii Barcelona iyo Levante ee La Liga, daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta.

Sabab la xidhiidha kaadhadhka digniinta oo ku batay xiddiga De Jong ayaa seegi doona kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto Celta Vigo.

Kooxda Barcelona ayaa bar-baro 3/3 ah la gashay kooxda Levante Salaasadii kulan ka tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka La Liga.

Warkan ayaa ah mid u xun tababare Ronald Koeman iyo Barcelona marka loo eego in xiddiga De Jong muhiim u yahay kooxda Barcelona xilli cyaareedkan kuna jiro qaab ciyaareed cajiib ah.


Source: laacibfm

SHARE