Halka Waddo Ee Uu Cristiano Ronaldo Uga Tagi Doono Juventus Oo La Ogaaday.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dayi doono inuu ka tago Juventus xagaagan haddii ay kooxdiisu ku guuldareysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Juventus ayaa guuldaro kala kulantay Ac Milan Axadii waxana ay haatan ku jirtaa kaalinta 5-aad iyaga oo dagaal u galay u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Ronaldo ayaa seegi kara champions league markii ugu horaysay muddo 18 sano ah hadii ay Juventus ku dhamaysato meel ka baxsan 4-ta boos ee ugu sareeya Serie A-da.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa u sheegay talkSPORT in 36 jirkaan oo hal sano uga hartay qandaraaskiisa uu weydiisan doono inuu ka tago kooxda hadii uusan ka qeyb galeynin tartanka champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin PSG, Man United iyo Real Madrid bilihii ugu dambeeyay kuwaas oo doonaya saxiixiisa.


Source: laacibfm

SHARE