Hordhac: Chelsea Vs Arsenal: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka London Derby

Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka premier League todobaadkan ayaa ah kulanka dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Old Trafford.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya u soo bixista boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe halka ay Arsenal u dagaalamayso sidii ay sida ugu fiican ugu dhamaysan lahayd xilli ciyaareedka.

Kulanka: Chelsea Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:15

Garoonka: Stamford Bridge

XAAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan laga badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaaraan Arsenal tan iyo markii guuldarro 5-3 ay ka soo gaartay October 2011.

Hadii ay chelsea garaacdo Arsenal waxa ay bar-barayn doontaa rikoodhka dhibcaha ay ka heshay kulamada London Derbies xilli ciyaareedka oo ah 25 dhibcood oo ay dhigtay xilli ciyaareedkii 2005/06 iyo 2014/15 Blues iyo kooxda 2013/14 ee Arsenal.

Arsenal ayaa raadineysa markii ugu horeysay oo ay laba jeer ka badiso Chelsea tan iyo 2003/04 kadib markii ay 3/1 uga badiyeen Blues Boxing Day-gii.

Gunners ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay martida ahaayeen yagoo labadii kulan ee ugu danbeysay ku badiyay wadar ahaan wadar ahaan 5-0 laakiin saddex kulan oo xidhiidh ah ma badin iyaga oo aan gool laga dhalin tan ilaa May 2013.


Source: laacibfm

SHARE