Man United Mise Liverpool? Yves Bissouma Oo Loo Sheegay Kooxda Ay Tahay In Uu Ku Biiro.

Yves Bissouma ayaa loo sheegay inuu iska diido xiisaha Liverpool si uu u dhameystiro ku biiristiisa Manchester United.

Waxa sidaas aaminsan Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Wright kaas oo ay kooxdiisii hore sidoo kale xiisaynayso saxiixa xiddiga Brighton.

Xiddiga reer Mali ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Brighton xilli ciyaareedkan isaga oo soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn premier League.

Kooxaha Liverpool, Man United iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga 25 jirka ah marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee halyeeyga Gunners Wright ayaa u sheegay xiddiga khadka dhexe inuu iska diido dhamaan kooxaha kale isla markaana uu u dhaqaaqo Old Trafford.

“Waxa uu si cad u sheegay in uu doonayo in uu ka tago kooxdiisa haata”ayuu Wright yidhi.

“Bissouma waa in uu ku biiro Man United sababta oo ah waa koox ku soo baxaysa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE