Man United Oo Ku Dhaw Dhamaystirka Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay si xor ah ku dhamaystirto saxiixa goolhaye Tom Heaton.

Heshiiska xiddiga 35 jirka ah ayuu heshiiskiisa Aston Villa dhici doonaa dhamaadka bisha dambe waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Daily Telegraph, United ayaa haatanba la xidhiidhay Heaton kaasoo doonaya inuu ku laabto Old Trafford, halkaasoo uu ka bilaabay xirfadiisa ciyaareed markii uu da’yarka ahaa.

Red Devils ayaa u aragta goolhayaha inuu yahay dooqa ugu fiican ee badalka Goolhayayaasha David de Gea iyo Dean Henderson, iyadoo dookha seddexaad ee haatan Sergio Romero uu ka tagayo kooxda xagaagan.

Heaton ayaa ku biiray Aston Villa xagaagii 2019 isaga oo kaga biiray lacag dhan 8 milyan oo euro waxana uu joogay muddo 2 sano ah isaga oo aan haatan ka mid ahayn qorshaha tababare Dean Smith.


Source: laacibfm

SHARE