Real Madrid Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig U Ciyaara Tottenham.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham Hotspur ee Serge Aurier ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda Real Madrid.

Inkasta oo uuna si joogto ah qaab ciyaareed fiican ugu soo bandhigin hadana xiddiga reer Ivory Coast ayaa ciyaaray 25 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee heshiiska xiddiga 28 jirka ah ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana ay u muuqataa in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.

Sida laga soo xigtay Foot Mercato, Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay ku biirto tartanka loogu jiro saxiixa xiddigii hore ee kooxda PSG ee Aurier.

Xilli la filayo in ay Real Madrid suuqa xagaaga yeelato suuq aad u dagan xiddiga ayaa lagu heli karaa kaliya lacag dhan 10.3 mlyan euro.


Source: laacibfm

SHARE