Ronald Koeman: Mustaqbalkayga Barcelona Shaki Ayaa Ku jira Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday in uu mustaqbalkiisa Barcelona shaki weyn soo fuulay sabab la xidhiidha qaybtii dambe ee kulankii Levante ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa qaybta hore ee ciyaarta ka baxday iyaga oo 2/0 ku hogaaminaya kulanka oo ahaa mid ay u baahnaayeen in ay guul gaadhaan laakiin ugu dambayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 3/3 ah.

“Tababarayaasha Mar walba su’aal ayaa laga keenaa”ayuu Koeman yidhi ciyaarta kadib.

“Laakiin waan fahmayaa arintaas, kadib qaybtii dambe ee kulankii Levante waxa jiri doona su’aalo”.

“Waan niyadjsabanahay waxana aan is waydiinaynaa waxa dhacay laakiin waa in aan kulanka xiga u dhaqaaqno”.

“Ka tababare ahaan aniga ayaa iska leh masuuliyada haatana waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalkayga sabab la xidhiidha qaybtii dambe ee kulankii Levante”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE