Sergio Busquets Oo Qiimeeyay Fursadaha Barcelona Ee Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga Kadib Bar-Barihii Levante.

Sergio Busquets ayaa qirtay in Barcelona aysan u badneyn inay ku guuleysato LaLiga xilli ciyaareedkan ka dib markii ay dhibco kale ku Lumiyeen kuliyeen kulankii Levante.

Barcelona ayaa dib ugu soo laabatay tartanka horyaalka La Liga kadib markii ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareeka laakiin kulankii 3/3 ahaa ee ay la gashay Levante Salaasadii ayaa ah niyad jabkii ugu dambeeyay ee tartanka.

Busquets ayaa yiri ciyaarta ka dib: “Fursad badan uma lihin inaan ku guulaysano”.

“Haatan waxa ay ku xidhantahay in ay kooxaha kale dhibco lumiyaan kulamada hadhay”ayuu sii raaciyay.

Barcelona ayaa haatan leh 76 dhobcood iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxda Atletico Madrid laakiin waxa ay ka dambayn doonaan 4 dhibcood hadii ay Atletico Madrid badiso kulankooda.


Source: laacibfm

SHARE