Virgil van Dijk Oo Shaaciyay Go’aankiisa Ku Aadan Ka Qayb Qaadashada Tartanka Euro-da Xagaagan

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa xaqiijiyay in uuna xulka qarankiisa Holland kala qayb qaadan doonin tartanka Euro 2020 ee xagaaga bilaaban doonta si uu diirada u saaro ka soo kabshada dhaawaca iyo waliba in uu taam u ahaado xilli ciyaareedka cusub.

Daafaca dhexe ayaa ku jira heerkii ugu dambeeyay ee soo kabsashada kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa si weyn loo hadal hayay in uu aadi doono waajibaadka xulka qarankiisa Holland tartanka Euro-da ee xagaaga taas oo muran  badan ka dhex dhalisay kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Holland.

Virgil van Dijk oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka uu xilli ciyaareedkan dhamaado, aniga wuu ii dhamaaday xilli ciyaareedku, maalin walba waxa aan qaadan doonaa tababar ahaan isugu diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub”.

“Waan ka xumahay in aanan xulkayga u ciyaarin tartanka Euro-da laakiin waa go’aanka saxda ah ee haatan ii fiican si aan uga soo kabsado dhaawaca”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE