XASAASI: UEFA Oo Ganaaxyo Dusha Ka Saaraysa Kooxaha Barcelona, Juventus & Real Madrid, Sabab.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub “UEFA” ayaa ku dhawaaqay furitaanka baaritaan edbin ah oo ka dhan ah saddexda Koo ee Real Madrid, Juventus iyo Barcelona kuwaas oo ka mid ahaa kooxihii aas-aasay tartanka European Super League.

Barcelona, ​​Real Madrid iyo Juventus ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan ka qeyb qaadashada European Super League, in kasta oo ay ka baxeen 9-kii koox ee kale ee ka qaybta ahaa kooxihii aas-aasay tartanka.

Kooxaha ka laabtay kaqeybgalka European Super League waa Liverpool, Manchester City, Manchester United, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Inter Milan, Milan, Atletico Madrid.

“Iyadoo la raacayo qodobka 31aad, faqradiisa 4aad, ee xeerarka anshax ee UEFA, guddiga anshaxa iyo anshaxa UEFA ayaa loo magacaabay maanta inay fuliyaan baaritaan edbin ah oo ku saabsan xadgudubka sharciga UEFA ee ay sameeyeen kooxaha  Barcelona, ​​Real Madrid iyo Juventus kagana qayb galeen mashruuca  European Super League”ayay UEFA Warbixin ku soo saartay.

Wararka ayaa sheegaya in ay UEFA kooxaha Barcelona, Juventus iyo Real Madrid dusha ka saari doonto ganaax 2 sano ah oo ayna ka qayb gali doonin tartanka champions League.


Source: laacibfm

SHARE