Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Ka Sameeyay Kubada Cagta

Inkasta oo ay Juventus ku jjirto wakhti adag xilli ciyaareedkan hadana xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa muujinaya in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Xiddig ayaa jabiyay rikoodho badan oo gool dhalinta ah wakhtigiisii Man United iyo Real Madrid laakiin Cristiano Ronaldo ayaa wali sii wada jabinta rikoodhada tan ilaa markii uu ku soo biiray Juventus.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa gool ka dhaliyay kulankii ay kooxda Juventus guusha ka gaadhay kooxda Sassuolo kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Xiddiga 35 jirka ah ee Cristiano Ronaldo Ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda kubada cagta 100 gool ka dhaliya 3 ka mid ah horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Cristiano Ronaldo Ayaa min 100 gool horay uga soo dhaliyay horyaalada La Liga iyo Premeir League oo uu uga soo ciyaaray kooxaha Man United iyo Real Madrid.

Sii Akhriso: Astaamaha Ugu Muhiimsan Ee Ninka Jacaylka Badan


Source: laacibfm

SHARE