Liverpool Oo 7 Sano Ka Dib Man United Ku Soo Garaacday Old Trafford Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd.

Liverpool ayaa guul ka gaartay United waxaana ugu dambeeysay Old Trafford oo ay ku soo badiyeen muddo 7 sano ka hor waxa ayna uga  soo talaabsadeen 4/2

Sheekada qeybta hore : Liverpool ayaa United ugu dirtay nasiinada natiijo laba gool iyo hal waxa uuna kulankaas ahaa mid horay u baaqday

United biloowgii iyo caaadis sareeysay kuna  horeeysay goolka waxa ayna soo bandhigeen ciyaar dardarsiimo leh halka Liverpool biloowgii ay xaaladda ku adkeyd

Goolka waxaa ka shaqeeyay Bruno oo kubad si cajiib  ah uu u qajafeeyay waxaay  ku dhacday xiddig Liveprool oo daafacayay balse shabaqa ayay ku nasatay

Bruno qaab xor ayuu u ciyaarayay isaga iyo Pogba boosaska ayay bad badalanayeen xilli Liverpool dhowr isku day ay sameeyeen uu is hortaagay goolhayaha United

Liverpool ma niyad jibin , waxa ayna keenen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 34-aad waxaana saxiixay Jota waxa ayna United u muuqdeen kuwo u nugul gool labaad marka la eego dal daloolo dhanka daafaca oo ka dhacayay

Kubad haysashada labada qeyb waa ay kala qeybsadeen labada koox waxa ayna Liverpool  sameeyeen dhamaadkii qeybtaas cadaadis aan kala joogsi laheyn illaa ay keeneen gool labaad , ka dib Free Kick la laaday waxaa si cajiib ah madaxa ugu dhalyay Firminho daqiiqadii 46-aad

Soo Laabashadii , Liverpool horay ayay u soo dhaqaaqayeen waxa ayna ka faa`ideysteen qaladaad dhanka baasaska waxaana lagu helay gool sedexaad daqiiqadii 47-ad waxaana lahaa Firminho

United waa ku adkeyd in kubadda si sax u gaarsiiyaan aagga goosha Liverpool , xili guud ahaan hanaanka deg degsiimo ee ciyaarta ay degtay waxa ayna kooxda klopp ku  sigteen gool afaraad balse daqiiqadii 58-aad ayaad birta u diiday ka dib kubad uu laaday Jota, waxaana kooxda Ole u nuglaayeen goolka afaraad mara la eego qaladaad ka dhacayay .

Liverpool , daafacooda afka hore ayay si ka bad badis ah ugu dhaqaaqayeen waxa ayna taasi keentay in gool labaad lagu helo waxaana sidaas sameeyay Rashford daqiiqadii 68-aad, waxaana ka dib United laga baadiyay fursad gool xaqiiq aheyd .

United badalkooda ugu horeeyay waxa ay sameeyeen daqiiqadi 63-aad waxa ay ku soo giliyeen Greenwood o loo saaray Fred halka Liverpool daqiiqadii 74-aad soo giliyeen Jones iyo Mane oo loo saaray Wijnaldum iyo Jota , waxa ayna kooxda Klopp ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celsika ah .

Dhamaadkii United si waliba ayay isku day u sameeyeen xilli ciyaarta yeelaay cadaadis balse ma helin goolka bar bar dhaca  halka Liverpool kubadaha rogaal celiska ku tiirsanayeen waxa ayna dhamaadkii heleen gool 4-aad waxaana dhaliyay Salah daqiiqadii 89-aad


Source: laacibfm

SHARE