Real Madrid Oo Garaacday Granada Cadaadiskana Saartay Atletico Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Granda kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan ka tirsanaa todobaadkii 36-aad ee xilli ciyaareedka.

Qaybta Hore:

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga doonayay in ay ka fogaadaan lama filaankii ay Barcelona kala kulantay kooxda Granada todobaadyo ka hor.

Real Madrid ayaa maamulaysay ciayarta waxana ay Granada u diideen in ay gaadhaan goolkooda iyaga oo si fiican u difaacanayay goolkooda marka ay kooxda Granada kubada haysato.

Daqiiqadii 17-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luka Modric kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Real Madrid ayaa sii waday samaynta fursadaha iyada oo ay marar badan halis galiyeen goolka Granada kuwaas oo looga ficnaa ciyaarta qaybta hore guud ahaan.

Daqiqiadii 45+1-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana markan dhaliyay goolka xiddiga Rodrygo kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Real Madrid ahayd kooxda fiican waliba dhalin kareen goolal intaas ka badan marka la eego fursadaha ay sameeyeen.

Qaybta Dambe:

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe ku bilowday ciyaarta iyada oo koox walba raadinaysay gool dhineceeda ah xilli Granada u muuqatay kuwo ka halis badan qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 71-aad ayay Granada dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jorge Molina kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu dib ugu soo laabatay ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaa isla markiiba ka jawaabtay goolka Granada kadib weerar deg-deg ah oo ay qaadeen waliba ku doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiqiadii 75-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Odriozola kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Real Madrid ku hogaaminayso.

Isla hal daqiiqo kadib ayay Real Madrid hurdo u dirtay ciyaarta kadib markii uu dhaliyay Karim Benzema goolka 4-aad ee kooxdiisa kadib markii uu ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay goolhayaha Granada.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul ay u qalantay iyaga oo cadaadis saaray hogaamiyayaasha Horyaalka ee Atletico Madrid.


Source: laacibfm

SHARE