United Vs Liverpool : Salah Oo Dhacdo 100 Sano Ka Hor Ugu Dambeeysay Liverpool Sameyn Kara

Macalin Ole Gunner ayaa laga yaabaa in shaxdiisa joogta aheyd ku soo laabto ka dib badallo uu ku sameeyay kulankii Leicester Coty

Harry  Maguire ayaa  dhaawac jilibka uga maqnaanaya kulankaas halka Liverpool ay weyneyso xiddiga ay ka mid yihiin Milner , Kabak , Keita iyo Ben Davies kuwaasi oo dhaawacyo yar qaba  balse waxaa tababarka ku soo laabtay Orogi iyo  Kelleher

Xogta Kulanka

* Man United ayaa kaliya hal jeer guul dareystay 15-kii kulan ee hore ee garoonkooda ku marti giliyeen Liverpool dhamaan tartamada , 10 jeer waa badiyeen halka 4 jeerna ay galeen bar bar dhac

* Garoonkooda iyo banaanka, United waxa ay badiyeen hal jeer 9-kii kulan ee hore ee horyaaka , 6 bar bar dhac iyo laba guul darro .

* United waa guul dareysteen 5 kulan horyaalka ah kuna ciyaareen garoonkooda xilli ciyaareedkaan

* Rashford iyadoo Old  Trafford la joogovwaxa uu Liverpool ku leeyahay 4 gool horyaalka iyo Cup-ka

* Liverpool  waa ay badiyeen 7-dii kulan ee ugu dambeeyay banaanka garoonkooda iyadoo horyaalka la joogo

*Salah ayaa noqon kara laacibkii ugu horeeyay Liverpool oo United gool kaga dhaliyay Old Trafford laba kulan hal xilli ciyaareed ah , waxaana sidaas horay u sameeyay Harry Chamers 100 sano ka hor .


Source: laacibfm

SHARE