WARBIXIN: Sergio Aguero & Cristiano Ronaldo Oo Fure U Noqon kara Saxiixyo Waaweyn Oo Dhaca Suuqa Xagaaga.

Dhamaadka xilli ciyaareedkan waxa la filayaa in ay dhacaan saxiixyo badan iyada oo xiddigo badan oo saamayn ku leh yurub ku biiri karaan kooxaha reer yurub suuqa xagaaga.

Ka Tigista Sergio Aguero ee Man City ayaa furo u noqon kara saxiixyo badan oo kooxo kale ku biira iyada oo xiddiga reer Argentine lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Ku Biirista Sergio Aguero ee Barcelona ayaa keeni karta in ay Man City u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Erling Haaland kaas oo la filayo on uu ka tago kooxda Borussia Dortmund.

Ku biirista Erling Haaland ee Man City ayaa keeni karta in ay Man United dhankooda u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo dhankiisa lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda Juventus ayaa lala xidhiidhinayaa ku biirista kooxda PSG.

Hadii uu Cristiano Ronaldo ku biiro kooxda Juventus waxa ay wadada u furaysaa in uu Kylian Mbappe ku biiro kooxda Real Madrid marka loo eego in hal sano ka hadhsantahay heshiiskiisa kooxda PSG.

Sii Akhriso: Astaamaha Ugu Muhiimsan Ee Ninka Jacaylka Badan


Source: laacibfm

SHARE