Xog Ka Cusub Hishiiska Barcelona Iyo Depay, Goorma Ayuu Imaanayaa?

Wargeyska Marca ayaa qoraya in uu jiro  hishiis Barcelona iyo weeraryahanka Lyon ee Depay wada gaareen oo ku aadan in xagaaga uu yimaado Camp Nou .

Hishiiska laacibkaas reer Holand ee Lyon ayaa dhamaanaya xagaagaan waxa ayna u badan tahay in dhamaadka xilli ciyaareedkaan uu huleelo

Wargeyskaas ayaa sheegaya in laacibka iyo kooxda ay is fahmeen waliba xittaa uu ogalaaday in uu dhimo mushaarkiisa si hishiiska u dhamaado

Sidaas oo ay tahay , Depay sababta Barcelona u imaanayo waa qalqaalada macalin Ronald oo ay saaxibo yihiin hadaba waxaa laga baqayaa in hishiiskaas uu fashilmo haddii macalinka laga eriyo kooxda maadaama  cadaadis badan uu saaran yahay

Wargeyskaas waxa uu xusayaa in haddii macalinka sii joogo in wax wlaiba sidii la rabay noqonayaan

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Depay ogalaaday in hishiis gaaraya 3 sanno ah uu qalinka ugu duugo kooxda Camp Nou ka dhisan


Source: laacibfm

SHARE