Bruno Fernandes Oo Jabiyay Rikoodh Uu Frank Lampard Ka Dhigay Premier League.

Bruno Fernandes ayaa dhigay rikoor cusub oo ah goolasha ugu badan ee uu dhaliyay xiddig khadka dhexe ah premier League muddo hal xilli ciyaareed ah.

Fernandes ayaa furay goolasha kulankii ay Man United guuldarada 4/1 ah kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Goolkaas ayaa la macno ah in uu xiddiga Bruno Fernandes dhaliyay 28 gool xilli ciyaareed kaliya premier League tartamada oo dhan.

Xiddiga 26 jirka ah ee reer Portugal ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee khadka dhexe ah ee dhaliya goolasha intaas leeg xiddig kaliya isaga oo dhaafay Halyeeyga Chelsea ee Frank Lampard oo dhaliyay 27 gool xilli ciyaareed kaliya.

Bruno Fernandes ayaa dhanka kale ku lug leh 44 gool 50 kulan oo premier League ah isaga oo ah xiddiga 3-aad ee rikoodhkaas sameeyay kooxda Man United.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE