Bruno Fernandes Waxa uu Qaybtii Nasashada Ku Dhamaystay Oohin.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Roy Keane ayaa weerar culus ku qaaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Bruno Fernandes kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay Liverpool Khamiistii.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa ku lug lahaa goolkii ay Man United dhalisay kadib markii kubad uu laagay uu si khaldan goolkiisa uga dhaliyay xiddiga Liverpool ee Nat Philippes.

Fernandes ayaa dhawr jeer istuuray si uu u helo khalad loo dhigo Roy Keane ayaana arintaas ku meeraray xiddiga reer Portugal.

Keane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa laga yabaa in uu Garsooruhu dawakhay”.

“Waxa uu ahaa mid ku adag Fernandes, waxa uu qaybtii Nasashada ku dhamaystay oohin”ayuu sii raaciyay.

“Mar walba oo la taabto waxa uu gal-galanayay dhulka”.

“Waxa aan u malaynayaa in ay xiddigaha Man United doonayeen in ay Xiddigaha Liverpool mar walba kubada dibada u bixiyaan laakiin sida aan oganahay waa in ay kubadu sii socoto ilaa uu dhaawac madaxa ah yahay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE