Chelsea Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Romelu Lukaku.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay inay la soo wareegi karaan Romelu Lukaku xagaagan hadii ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagta lagu qiimeeyo xiddiga reer Belguim.

Xiddiga reer Belguim ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 28 gool xilli ciyaareedkan kooxdiisana ku hogaamiyay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa dhaliyay 22 gool Serie A-da ah xilli ciyaareedkanisaga oo qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxaha Chelsea iyo Man City kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddiga Romelu Lukaku suuqa xagaaga hadii ay chelsea diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 103 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa dhawaan sheegay in uu ku faraxsanyahay Inter Milan laakiin sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee uu xanuunka Korona sababay Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE