David Luiz Oo Maamulka Arsenal Ku War Galiyay Go’aan Ku Saabsan Mustaqbalkiisa.

David Luiz ayaa ka tagi doona kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib wadahadalo uu maanta la qaatay kooxda.

Wargayska Sportsmail ayaa sheegaya in uu daafaca khabiirka ah maanta u sheegay maamulka kooxdiisa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Ka tagista Luiz ee Arsenal ayaa lagu dhawaaqi doonaa marka uu dhoco heshiiskiisu bisha July.

Heshiiska Luiz ayaa dhacaya xagaagan waxana la sheegayay in ay kooxdu doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Laakiin xiddigii hore ee chelsea ayaa isaga tagi doona Gunners si uu tartan kale u raadsado kadib 2 sano oo uu ku qaatay garoonka Emirates.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE