Dayot Upamecano Oo Kashifay In Uu Ku Dhawaaday Saxiixa Man United Isaga Oo 17 Sano Jir Ah & Sababtii Uu U Diiday.

Dayot Upamecano ayaa ka hadlay sida uu u diiday fursadii uu ugu biiri lahaa Manchester United isagoo 17 jir ah.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa haatan lagu qiimeeyaa daafacyada ugu fiican adduunka waxana uu xagaaga ku biiri doonaa kooxda Bayern Munich kadib markii ay dhamaystirtay saxiixooda.

Bayern Munich ayaa bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa oo ahayd 38.5 milyan euro si ay xagaaga ugu xoojiso kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in United doonaysay saxiixiisa markii uu da’yarka ahaa laakiin uu iska diiday.

“Waxaan ahaa wiil yar. Waxaan doonayay inaan u saxiixo isla markiiba, ‘ayuu u sheegay The Athletic.

“Laakiin waalidkay ayaa ii sheegay in aan ka fikiro marka hore”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE