DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii April Oo La Shaaciyay

Jesse Lingard ayaa lagu abaalmariyay qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee West Ham United bishii April isaga oo ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa bishaas.

Xiddiga Garabka ka ciyaara oo Amaah ku yimid West Ham bishii January ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo isku daygii 3-aad ku guulaystay abaalmarinta kadib markii uu u tartamaya abaalmarinta bilihii February iyo March.

Lingard ayaa dhaliyay 4 gool halka uu sameeyay hal caawin bishii April ee la soo dhaafay isaga oo kooxdisa west ham ka caawiyay in ay u tartanto boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

28 jirkaan ayaa ku guuleystay abaalmarinta markii ugu horeysay waana Xiddigii ugu horeeyay ee West Ham ee abaalmarintan ku guulaysta tan ilaa Michail Antonio oo ku guulaystay bishii July 2020.

Lingard ayaa abaalmarinta ku garaacay 7 xiddig oo kale kuwaas oo kala Trent Alexander-Arnold, Stuart Dallas, Mason Greenwood, Kelechi Iheanacho, Matheus Pereira, Allan Saint-Maximin iyo Chris Wood.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE