Heshiis Dhacay: Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Memphis Depay Laakiin Heshiiska Hal Shardi Ayuu Ku Xidhanyahay.

Heshiis la filayay tan markii uu Ronald Koeman tababaraha u noqday kooxda Barcelona, Memphis Depay iyo Barcelona ayaa isla meel dhigay heshiis Rasmi ah si uu xiddigu ugu biiro kooxda ka ciyaarta La Liga xilli ciyaareedkan.

Laakiin heshiiska ayaa wali ku xidhan in uu tababare Ronald Koeman sii ahaado tababaraha kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Mustaqbalka Ronald Koeman ee Barcelona ayuu shaki weyn ku jiraa tan ilaa markii uu Joan Laporte madaxweynaha u noqday kooxda Barcelona bilihii la soo dhaafay.

Hadii uu Laporte go’aansado in uu shaqada ka caydhiyo Ronaldo Koeman heshiiska uu xiddiga Depay ugu soo biirayo Barcelona ayaa meesha ka baxaya waxana loo baahan doonaa wadahadalo kale oo cusub.

Depay ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu doonayaa in uu ku biiro Barcelona si uu mar kale ula shaqeeyo Ronald Koeman oo ay ka soo wada shaqeeyeen xulka Holland.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE