Heshiiska Ay Arsenal Ka Saxiixanayso Emile Smith Rowe Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo horumar leh kula jirto Emile Smith Rowe iyaga oo ka doonaya heshiis cusub oo wakhti dheer ah kooxda.

20 jirkaan ayaa muhiim u ahaa Gunners xilli ciyaareedkan isaga oo u ciyaaray 31 kulan oo tartamada oo dhan ah isla markaana dhaliyay 4 gool 6 kalena caawiye ka noqday.

Smith Rowe ayaa dhaliyay goolka guusha ee ay Arsenal 1/0 uga badisay kooxda chelsea kulan premier League ahaa isaga oo xiddig laf dhabar ah u noqday kooxda Mikel Arteta.

Heshiiska xiddiga Smith Rowe ayaa dhici doona xagaaaga 2023 laakiin kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay heshiis 5 sano ah ka saxiixato xiddiga reer England.

Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay xiddiga ka saxiixan doonto heshiiska cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe iyaga oo doonaya in ay kooxda ku sii hayaan muddo dheer.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE