Hordhac: Chelsea Vs Leicester City: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Final-ka FA Cup-ka.

Kooxaha chelsea iyo Leicester city ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo final-ka FA Cup-ka ah kaas oo ka dhici doona garoonka Wembley.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaysan kara koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan xilli ciyaareedkoodana ku badbaadin kara koobka ugu taariikhda weyn ee FA Cup-ka.

Dhanka kale kooxda Liecester City ayaa kulanka soo galay iyaga isha ku haya in ay ku guulaystaa koobka FA Cup-ka markii ugu horaysay taariikhdooda.

Kulanka: Chelsea Vs Leicester City

Tartanka: FA Cup-ka

Wakhtiga: 7:15

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 140-aad ee FA Cup-ka iyada oo kooxaha chelsea iyo leicester City noqon doonaan kooxihii 117-aad ee isaga hor yimaada Final-ka tartanka.

Chelsea ayaa ka soo muuqanaysa Final-ka FA Cup-ka markii 15-aad kaliya kooxaha Arsenal (21) iyo Man United (20) ayaa ah kooxaha ka badan iska xaadirinta final-ka FA Cup-ka.

Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan ayaa dhici doona iyada oo uuna dhamaan xilli ciyaareedka premier League, markii ugu dambaysay ee ay sidaas dhacday waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii 2012/2013 markaas oo ay Wingan koobka 1/0 uga qaaday Man City.

Kulankan ayaa noqon doona Final-kii 5-aad ee Leicester City ee FA Cup-ka iyo midkii ugu horeeyay tan ilaa 1969, laakiin Leicester City ayaa dhamaan laga qaaday Final-dii hore.


Source: laacibfm

SHARE