Kooxda Uu Cristiano Ronaldo Ku Biiri Doono Xagaaga Oo La Xaqiijiyay.

Cristiano Ronaldo hooyadiis, Dolores Aveiro, ayaa shaaca ka qaaday inay isku dayi doonto inay ku qanciso xiddiga Kooxda Juventus inuu ku laabto Sporting Lisbon xilli ciyaareedka soo socda.

Ronaldo oo 36 jir ah ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Juventus xilli ay kooxdu halis ugu jirto in ay gabi ahaan seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo kala ah Man United, PSG iyo Real Madrid kuwaas oo xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga.

Laakiin Hooyada xiddiga ayaa sheegtay in ay ku qancin doonto wiilkeeda in uu ku laabto kooxda Sporting Lisbon oo uu ka tagay sanadkii 2002.

“Waan la hadli doonaa Cristiano si aan dib ugu celiyo Lisbon”ayay u sheegtay Record.

“Sanadka dambe waxa uu ka ciyaari doonaa Sporting Lisbon”ayay sii raacisay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE