Man United Oo Jesse Lingard U Adeegsanaysa Saxiixa Jadon Sancho.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u adeegsan karto Jesse Lingard in ay ku soo xero galiso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho Sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa la filayaa inay dib u soo celiso xiisihii ay u qabtay xiddiga reer England xagaagan iyada oo horay ugu fashilantay in ay hesho saxiixa da’yarkii hore ee Man City.

Sancho ayaa loo ogolaan doonaa in uu isaga tago Dortmund xagaaga iyada oo uu xiddigu doonayo in uu ku soo laabto horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay The Sun, Dortmund ayaa xiiseyneysa saxiixa Lingard kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan Man United ayaana isku dayi doonta in ay heshiiska sancho ku darto Lingard.

Lingard ayaa dhaliyay 9 gool halka ay caawin ka noqday 4 kale 13 kulan oo uu ciyaaray taramada oo dhan xilli ciyaareedkan halka uu Sancho dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo dhaliyay 14 gool kooxdiisana ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka DFB-PokaL Khamiistii.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE