Maxuu Klopp Ka Yiri Talaabadii Xalay Uu Sameeyay Mane Ka Dib Dhamaadkii Ciyaartii United

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa ka hadlay talaabadii Sadio Mane uu ku diiday in uu gacan qaado ka dib markii uu dhamaaday kulankii kooxdiisa ay ku garaacday naadiga United

Liverpool ayaa xalay 4/2 ku soo garaacday United oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsan wareegga 34-aad ee horyaalka Ingiriiska

Klopp ayaa Sky Sport ka yiri” ma jirto wax dhibaato oo inoo dhaxeysa , go`aan waqti dambe ah ayaan qaatay ka hor kulanka in Jota kulankaan uu ku soo biloowdo”.

” Ciyaartooyda waa dabeecadooda in arimahaas oo kale sameeyaan , mana helin waqti aan Mane ugu sheego in kulankaan uusan ku bilaabaneyn, sida kale xaaladda waa dhag-dhag”.

“Haatan waxaa inaga go`an in aan natiijooyinka wacan sii wadno si aan u gaarno waxa aan bartilmaameysaneyno ee ah in aan Championka u soo baxno” ayuu sii raaciyay Klopp

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE