RASMI: Xulka Qaranka Holland Oo Shaaciyay Liiska Xiddigaha U Matali Doona Tartanka Euro 2020.

Tababaraha Xulka qaranka Holland ee Frank De Boer ayaa soo saaray Liiska hordhaca ah ee xiddigaha uu kaga qayb qaadan doono tartanka Euro 2020 ee xagaaga.

Waxa liiska ka maqan daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk kaas oo maalmo yar ka hor xaqiijiyay in uuna ka qayb qaadan doonin tartanka sabab la xidhiidha dhaawaca uu ka soo kabsanayo.

Tababaraha ayaa wakhtiga soo socda soo xulan doona 26 xiddig ee ugu dambeeya iyada oo UEFA xulalka u ogolaatay xiddigahaas halkii markii hore ay kaliya xulalku qaadan jireen.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu tababaruhu soo xushay:

Goolhayaha: Bizot (AZ), Cillessen (Valencia), Krul (Norwich), Stekelenburg (Ajax).

Daafaca: Van Aanholt (Palace), Ake (Manchester City), Blind (Ajax), Dumfries (PSV), Hateboer (Atalanta), Karsdorp (Roma), De Ligt (Juventus), St. Juste (Mainz 05), Tete (Fulham), Timber (Ajax), Veltman (Brighton), De Vrij (Inter Milan), Windal (AZ).

Khadka Dhexe: Van de Beek (Manchester United), Gravenberch (Ajax), Frenkie de Jong (Barcelona), Klaassen (Ajax), Koopmeiners (AZ), De Roon (Atalanta), Vilhena (FK Krasnodar), Wijnaldum (Liverpool).

Weerarka: Berghuis (Feyenoord), Bergwijn (Tottenham), El Ghazi (Aston Villa), Gakpo (PSV), L. De Jong (Sevilla), Malen (PSV), Memphis (Lyon), Promes (Ajax), Weghorst (Wolfsburg).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE