WARBIXIN: Saxiixyada Ugu Waaweyn Ee La Dhamaystiray Ama Ku Dhaw In La Dhamaystiro Ilaa Haatan Ka Hor Furitaanka Suuqa Xagaaga.

Xilli ciyaareedka 2020/2021 ayaan wali si Rasmi ah u xidhimin laakiin waxa haatanba la dhamaystiray saxiixyo ama lagu dhawyahay in la dhamaystiro ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedka.

Saxiixyada ayaa haatanba ah kuwo la dhamaystiray oo aan wali lagu dhawaaqin iyo saxiixyo la dhamaystiray laakiin haatanba lagu dhawaaqay oo la shaaciyay.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ilaa haatan la dhamaystiray ee lagu dhawaaqay ama kuwa aan wali lagu dhawaaqin.

Eric Garcia: Man City -> Barcelona:

Saxiixa Eric Garcia Ee Barcelona ayaa haatanba la dhamaystiray laakiin wali laguma dhawaaqin saxiixa iyada oo labada kooxoodba sugayaan inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedku waxana uu Barcelona ugu biiri doonaa qaab xor ah.

David Alaba: Bayern Munich -> Real Madrid:

Xiddigan ayaa todobaadyo kadib noqon doono xor waxana la aaminsanyahay in uu heshiis la gaadhay kooxda Real Madrid laakiin wali laguma dhawaaqin saxiixa xiddiga reer Austria.

Kayky: Fluminense -> Man City:

Xiddiga 17 jirka ah ayaa ku soo biiri doona kooxda ku guulaystay Premier League ee Man City suuqa January ee sanadka dambe marka uu dhamaado xilli ciyaareedka horyaalka Brazil laakiin waxa haatanba la xaqiijiyay saxiixa xiddiga.

Dayot Upamecano: RB Leipzig -> Bayern Munich:

Xiddiga reer France ayaaku biiri doona kooxda Bayern Munich waxana wakhti hore lagu dhawaaqay saxiixa xiddiga isaga oo noqon doona badalka David Alaba isaga oo ugu biiray Bayern Munich lacag dhan 42.5 milyan euro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE