Willian Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal.

Willian ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tago Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkaan, inkastoo uu heysto labo sano oo heshiiskiisa kooxda ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa qaab xor ah ugu soo biiray Arsenal xagaagii hore markaas oo uu kaga soo biiray chelsea laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Willian Oo todobaadkii mushahar ahaan u qaata lacag ka badan 150 kun oo Gini todobaadkii ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay markii uu ku so biiray kooxda.

Wargayska Athletic ayaa sheegaya in uu xiddiga 32 jirka ah rajaynayo in uu isaga tago kooxda xagaaga marka uu suuqu furmo hadii ay jirto koox xiiso u muujisa saxiixiisa.

Xiddiga reer Brazil ee Willian ayaa kooxda Arsenal u dhaliyay hal gool 35 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE