Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday Man United.

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Man United kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier Leagee.

Goolal ay dhaliyeen Diogo Jota, Roberto Firmino (2) Iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul weyn oo ay u qalmeen kulan xiiso weyn lahaa.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Bruno Fernandes ayaa si toos ah ugu lug lahaa 44 gool 50 kulan oo uu u ciyaaray Man United 26 gool iyo 18 caawin kaliya xiddigaha  Eric Cantona (46) & Robin van Persie (45) ayaa ka badnaa 50-kii kulan ee ugu horeeyay.

2.Roberto Firmino ayaa dhaliyay 17 gool oo madax ah premier League kaliya Robbie Fowler oo dhaliyay 21 ayaa ka badan Reds.

3.Kaliya markii 2-aad ee xilli ciyaareedkan Man United ayaa ku hor martay goolasha kulan ay premier League ku ciyaarayso garoonkeeda laakiin qaybta hore ku dhamaystay iyada oo laga horeeyo kulanka 2-aad waxa uu ahaa Kulankii Tottenham.

4.Man United ayaa laga dhaliyay 26 gool garoonkeeda premier League xilli ciyaareedkan waana goolashii ugu badnaa tan ilaa 1971/1972 markaas oo sidoo kale laga dhaliyay 26 gool.

5.Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee Old Trafford tartamada oo dhan isaga oo 5 gool ka dhaliyay 5-tii kulan ee uu ka hor tagay Liverpool.

6.Mohamed Salah ayaa ah xiddiga kaliya ee Liverpool ah ee taariiikhda Liverpool oo Man United Old Trafford kaga dhaliya 2 kulan oo kala duwan xilli ciyaareed kaliya tan ilaa 1920/1921 markaas oo uu sidaas sameeyay Harry Chambers.

7.Kaliya kooxaha Newcastle (29) & West Bromwich Albion (34) ayaa ka badan Man United marka laga hadlayo goolasha laga dhaliyay xilli ciyaareedkan premier League iyaga oo laga dhaliyay 27 gool.

8.Liverpool ayaa Man United ka gaadhay guusheedii ugu horaysay ee Old Trafford tan ilaa March 2014 iyada oo uu Klopp markii ugu horeeyay guul ka gaadhay kooxda Man United.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE