Zinedine Zidane Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Real Madrid.

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuu istaagi doono xilka tababaranimo ee Real Madrid xagaagan, xitaa hadii uu ku guuleysto inuu kooxda ku hogaamiyo hanashada La Liga 2020-21.

Los Blancos ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta La Liga iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Atletico Madrid

Zidane ayaa Real Madrid ku qaadanaya markii 2-aad kadib markii uu ku soo laatay kooxda waliba xilli ciyaareedkii hore ku hogaamiyay kooxda horyaalka La Liga.

Heshiiska Tababaraha ee Real Madrid ayaa dhici doona bisha June wargayska Daily Mail ayaana sheegaya in uu tababaruhu go’aansaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka ugu dambeeya ee Zidane in uu noqon doono kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Villarreal 23 bishan haatan lagu jiro ee May.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Tilmaamood Oo Kaa Caawinaya Inaad jacaylkaaga U Muujiso Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm

SHARE