Arsenal Oo Heshay Badalka Bernd Leno, Waxa Ay Doonaysaa Goolhaye Horay Ugu Soo Ciyaaray.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa Goolhayaha kooxda Juventus ee Wojciech Szczęsny sida ay seheegayaan wararku.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa u gali doonto Goolhaye cusub kadib khaladaad waali ah oo uu sameeyay Goolhaye Bernd Leno kaas oo xilli ciyaareedkan sameeyay khaladaad sabab u noqday in kooxdu guuldarooyin badan la kulanto.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Kooxda Arsenal si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa Goolhayaha kooxda Juventus ee Wojciech Szczęsny kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Juventus.

Wojciech Szczęsny ayaa u soo ciyaaray kooxda Arsenal intii u dhexaysay 2009 ilaa 2017 isaga oo mudadaas dhawr mar amaah uga tagay ka hor inta uuna sanadkii 2017 si toos ah ugu biirin kooxda Juventus.

Arteta ayaa Wojciech Szczęsny u arka mid si weyn u caawin kara kooxdiisa marka la eego khibrada fiican ee uu leeyahay maadama uu muddo dheer ka ciyaarayay tartanka champions League.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE