Barcelona Oo Dhigi Karta Rikoodh Xun Oo Ayna Dhigin Muddo 13 Sano Ah.

Kadib xilli ciyaareed niyad jab leh Barcelona ayaa ku qasban in ay badiso labadeeda kulan ee ugu dambeeya hadii ay doonayso in ay ka fogaado in ay hesho dhibcihii ugu xumaa 13-kii sano ee ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa haatan haysata 76 dhibcood hadii ay helaan 6-da dhibcood ee labada kulan ee ugu dambeeya waxa ay heli doonaan 82 dhibcood waan mid la mid ah dhibcihii ay heleen xilli ciyaareedkii hore.

Hadii ay ku fashilanto in ay guul gaadho labada kulan ee u hadhay waxa ay la macno tahay in ay heli doonto dhibcihii ugu xumaa tan ilaa xilli ciyaareedkii 2007/2008.

Xilli ciyaareedkaas Barcelona oo uu hogaaminayay Frank Rijkaard ayaa ku dhamaystay kaalinta 3-aad taas oo sabab u noqotay in tababaraha laga caydhiyo shaqada.

Sanadihii markaas ka dambeeyay Barcelona ayaa gaadhay 91 dhibcood halka ay dhibcaha ugu badan gaadhay xilli ciyaareedkii 2012/2013 markaas oo ay gaadhay 100 dhibcood.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE