Barcelona Oo Iska Iibin Doonta 14 Xiddig Suuqa Xagaaga.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dib u habeyn ku sameyso kooxdeeda xagaagan waxaana laga yaabaa inay iska iibiso ku dhawaad 14 xiddig marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata kuwo ka baxsan tartanka horyaalka La Liga iyada oo 2 kulan ka hadhsantahay dhamaadka xilli ciyaareedka waxana ay kooxdu haatanba isku diyaarinaysaa xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barca ayaa qorsheyneysa isbedelo waa weyn marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga maadama ay u baahanyihiin in ay xiddigo iska iibiyaan ka hor inta ayna samayn wax saxiixyo ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxdu suuqa dhigi doonto xiddigaha Philippe Coutinho, Samuel Umtiti, Miralem Pjanic, Martin Braithwaite, Junior Firpo, Neto Moura & Matheus Fernandes.

Kooxda ayaa iska iibin doonta ugu yaraan 14 xiddig si ay kooxdu u hesho lacag ay suuqa ku gasho kulana soo wareegto xiddigo waaweyn suqua xagaaga.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE