Lukaku, Ronaldo, Sancho, Varane, Salah, Konate, Haaland, Messi & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa sheegaya in uu xiddiga 21 jirka ah aad ugu kalsoonyahay ku biirista kooxda Man United suuqa xagaaga iyada oo la filayo in ay Red Devils ka gudbiso saxiixa xiddiga dalab dhan 65 ilaa 75 milyan oo euro (Eurosport).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Jesse Lingard u adeegsan karto saxiixa Jadon Sancho (Sun).

Kooxda PSG ayaa diyaarsatay liis xiddigo ah oo ay u aragto badalka xiddiga Kylian Mbappe waxana Liiska ugu horeeya xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah (ESPN).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphael Varane (Manchester Evening News).

Kooxda Man United ayaa dalab 40 milyan ah ka gudbinaysa saxiixa daafaca kooxda Real Madrid ee Varane (Mirror).

Kooxda RB Leipzig ayaa sheegtay in heshiiska daafaca 21 jirka ah ee Ibrahima Konate lagu bur-burin karo lacag dhan 34 milyan oo euro  (Liverpool Echo).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa maamulka kooxdiisa in ay midkood u keenaan xiddigaha Erling Braut Haaland & Romelu Lukaku suuqa xagaaga (Express).

Kooxda Barcelona ayaa muhiimada Saxiixa Erling Haaland halkii ay heshiis cusub ka saxiixan lahayd xiddiga Lionel Messi  (Sun).

Xiddiga kooxda Chelsea ee Christian Pulisic ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu isaga tagi doono kooxda chelsea xagaaga (ESPN).

Wakiilka Cristiano Ronaldo Ayaa meesha ka saaray ku laabashada Cristiano Ronaldo ee kooxda Sporting Lisbon (Record).

Kooxda Barcelona ayaa xagaaga iska iibin doonta ugu yaraan 14 xiddig suuqa xagaaga kuna jiraan xiddigaha Samuel Umtiti iyo Philippe Coutinho (Mundo Deportivo).

Weeraryahanka kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 2 sano ah (Sun).

Goolhayaha kooxda Aston Villa ee Tom Heaton ayaa ogolaaday in uu qaab xor ah ugu biiro kooxda Man United  (Football Insider).

Kooxda Atletico Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Naby Keita (Sun).

Kooxda Villarreal ayaa Man United u sheegtay in ay iska bixiso kaliya 30 milyan hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Pau Torres (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Arsenal ayaa suuqa xagaaga la soo saxiixan doonta 5 saxiix oo cusub xilli uu Mikel Arteta dib u dhis ku samaynayo kooxdiisa  (football.london).

Kooxda PSG ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos (AS).

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato 3-dan xiddig ee Erling Haaland, Andre Silva, Harry Kane iyo Lautaro Martinez midkood si ay ugu buuxiso booska Sergio Aguero (Times).

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE