Man City Oo 4 Weeraryahan U Calaamadsatay Badalka Sergio Aguero.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarsatay 4 xiddig oo weerarka ka ciyaara oo ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo suuqa xagaaga xilli ay isku diyaarinayso la’aanta Nolosha Sergio Aguero.

Citizens ayaa suuqa u gali doonta badalka dhaliyaha ugu goolasha badan kooxda ee Sergio Aguero kaas oo si Rasmi ah u tagayo dhamaadka bisha June kadib marka uu heshiiskiisu dhaco.

Sida laga soo xigtay The Times, tababaraha kooxda Pep Guardiola waxaa lagu taageeri doonaa dhaqaale suuqa soo socda, kooxda heysata Premier League-na waxay diyaarsatay afar nin oo weeraryahan ah.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland, Xiddiga Tottenham ee Harry Kane iyo xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martinez yihiin xiddigaha la calaamadsaday.

Sidoo kale waxa ka mid ah xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Andre Silva kaas oo 25 gool ka dhaliyay xilli ciyaareedkan horyaalka Bundesliga waliba qaab ciyaareed fiican ku jira.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE