Man United Oo Ogaatay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Pau Torres

Villarreal ayaa dul dhigtay qiimo dhan 30 milyan oo euro madaxa daafaca lala xiriirinayo Manchester United Pau Torres, sida lagu sheegay wararku.

Xiddiga reer Spain ayaa ka mid ah bartilmaameedyada tababare Ole Gunnar Solskjaer xagaaga madaama uu raadinayo xiddig uu ka garab ciyaarsiio kabtankiisa Harry Maguire.

Iyadoo Torres uu 24 jirsaday sannadkan isla markaana uu kooxda Villarreal kula jiro heshiis ilaa xagaaga 2024 ah kooxda Villarreal ayaa markii hore la filayay inuu dalbado lacag ka badan 50 milyan si ay u iibiso xiddiga aadka loo qiimeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Villarreal ku qiimeyso Torres qiimo jaban oo dhan 30 milyan oo euro xilli ay Real Madrid sidoo kale isha ku hayso horumarka.

Wararka ayaa sheegaya in ay Kooxda Villarreal filayso dalab uga yimaada kooxaha Real Madrid iyo Man United suuqa xagaaga iyaga oo qiimaha kor u qaadi kara hadii ay kooxo kale xiiso u muujiyaan xiddiga.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE