Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday, Waa Qorshe Ka Farxinaya Taageerayaasha.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay lasoo saxiixato shan Xiddig oo cusub marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo Tababare Mikel Arteta la siin doono lacag uu isku shaandhayn ugu sameeyo kooxdiisa.

Gunners ayaa haatan kaalinta 9-aad kaga jirta premier League waxana ay wajahaysaa suurtagalnimada ah in ay gabi ahaan seegto tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Arteta ayaa haysta kalsoonida milkiilayaasha kooxda iyada oo tababaraha la siin doono lacag fiican oo uu ku xoojiyo kooxda suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay football.london inkasta oo uu xanuunka Koron saameeyay dhaqaalaha kooxda hadana Gunners ayaa qorshaynaysa inay la soo saxiixato shan Xiddig oo cusub xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in Goolhaye, Daafac Bidix, Daafac Midig, Khad dhexe iyo waliba weeraryahan kooxda iman doonaan suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE