Sergio Aguero Oo Qarka U Saaran In Uu Ku Biiro Barcelona & Heshiiska Uu Qalinka Ku Duugi Doono Oo La Ogaaday.

Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sii dhawaanayo inuu u dhaqaaqo Barcelona, ​​iyadoo Xiddiga reer Argentina uu qalinka ku duugi doono Heshiis labo sano ah oo uu kula joogi doono kooxda reer Catalan.

Xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda Manchester City ayaa si bilaash ah uga tagi doona Etihad Stadium dhamaadka bisha June, Barca ayaana si xoogan loola xiriirinayay adeegiisa bilihii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay The Sun, weeraryahanka khibrada leh ayaa wadahadalo wanaagsan la yeeshay kooxda Ronald Koeman si uu ugu biiro Camp Nou wuxuuna ku dhow yahay heshiis labo sano ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu Aguero qalinka ku duugi doono heshiis uu todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono 150 kun oo Gini taas oo ah mid aad uga yar lacagta 250 kun ee Gini ee uu haatan ka qaato kooxda Man City.

Barca ayaa dhaqaale ahaan la daalaa dhacaysa sabab la xidhiidha xanuunka Korona waxana ay diirada saari doonaan saxiixyada xorta ah halkii ay suuqa u gali lahaayeen saxiixyo lacag badan ay ka bixiyaan suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE