Wakiilka Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Wararka Xiddiga La Xidhiidhinaya Ku Laabashada Koox Uu Horay Ugu Soo Ciyaaray.

Wakiilka weeraryahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu xiddiga Juventus ku laaban karo Sporting Lisbon xagaagan.

Xilli ay Juventus seegtay ku guulaysiga horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan sidoo kale khatar ugu jirto in ay seegto champions league xilli ciyaareedka dambe mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayuu shaki weyn soo wajahay.

Xiddiga 5-ta jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayay hooyadiis sheegay in ay wiilkeeda ku qancin doonto in uu ku laabto kooxda Sporting Lisbon suuqa xagaaga laakiin wakiilka xiddiga ayaa sheegay in ayna xitaa ka fikirin arintaas.

Isaga oo la hadlaya Record, Mendes ayaa yidhi”Cristiano wuu ku faanaa horyaalkii uu kula guulaystay Sporting Libson, si cadna uu u sheegay laakiin haatan wax qorshe ah uma hayo in uu ku laabto Portugal”.

Ronaldo ayaa Kooxdiisa Juventus ka caawinaya dagaalka ay ugu jirto in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe xilli ay ku jirto kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier League.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE