Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Chelsea Lagu Garaacay Koobka FA Cup-ka.

Kooxda Leicester City ayaa chelsea ku garaacday koobka FA Cup-ka kulan xiiso gaar ah lahaa kana dhacay garoonka Wembley.

Gool uu dhaliyay xiddiga Youri Tielamans ayaa Liecester City kaga filnaaday in ay kooxdu ku guulaysto koobka FA Cup-ka markii ugu horeeyay taariikhddooda.

1.Xiddiga Youri Tielemans ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Leicester City ah ee gool ka dhaliya finalka FA Cup tan iyo Ken Keyworth 1963 vs Manchester United.

2.Xiddiga Youri Tielemans ayaa noqday xiddigii 3-aad ee reer Belguim ah ee gool ka dhaliya finalka FA Cup-ka kadib xiddigaha (Eden Hazard 2018, Kevin De Bruyne 2019).

3.Olivier Giroud ayaa ka soo muuqday Final-kii 6-aad ee tartanka FA Cup-ka kaliya waxa ka badan Ashley Cole (8), Ryan Giggs iyo Roy Keane (min 7).

4.Wes Morgan (37y 114d) waa ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee ka soo muuqda Final-ka FA Cup-ka tan ilaa Teddy Sheringham kaas oo ciyaaray kulankii West Ham Vs Liverpool.

5.Leicester City waa kooxdii 44aad ee kala duwan ee ku guuleysata FA Cup, waana kooxdii ugu horeysay ee ku guuleysata tartankan tan iyo Wigan Athletic ee 2013

6.Brendan Rodgers waa tababarihii ugu horeeyay ee ku guuleysta labada koob ee Ingriiska iyo Scottish-ka tan iyo Sir Alex Ferguson (afar jeer oo FA Cup ah oo uu la qaaday Aberdeen iyo shan English FA Cup ah oo uu la qaaday Man Utd)

7.Chelsea ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee ku dhameysata kaalinta labaad finalka FA Cup tan iyo Newcastle United 1998 iyo 1999

8.Kasper Schmeichel waa goolhayihii ugu horeeyay ee kabtan u noqda koox ku guulaysata FA Cup tan iyo David Seaman oo u ciyaara Arsenal 2003.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.


Source: laacibfm

SHARE